USA: Madaxii Amniga oo iscasilay kahor xaflada caleemo saarka Joe Biden

Published: January 12, 2021

Xoghayihii Amniga Guddaha Maraykanka Chad Wolf ayaa ku dhawaaqay inuu xilka isaga tagay Isniintii shalay xili ay maalmo kaliya ay ka harsan tahay munaasabada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden.

Wasaarada Amniga Guddaha ayaa ah midda qaabilsan qaban qaabada xafladan iyo suggida amniga, iscasilaada Mr.Wolf ayaa lagu soo beegay kadib weerarkii argagaxinta ahaa ee todobaadkii hore ay taageerayaasha Madaxweyne Trump ku qaadeen xarunta Baarlamaanka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 5 qof.

Kadib weerarkii xarunta Baarlamaanka ayey sidan oo kale labo xubnood oo kale oo kamid ah Golaha Wasiirada Trump xilalka isaga casileen, balse iscasilaada Wasiirka qaabilsan Amniga ayey shaki badan ka keeneen xisbiga Dimuquraadiga oo horey usii sheegay in weerarkii xarunta Baarlamaanka uu ahaa mid qorsheysan oo ay ka gaabiyeen laamaha amaanka.

Hay’ada danbi baarista Maraykanka FBI ayaa xog laga soo xigtay sheegaysaa in taageerayaasha Trump ay wadaan abaabul hubeysan oo ay doonayaan inay rabshado ku abuuraan xiliga xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub oo dhici doonta 20ka bishan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *