Trump oo laga mamnuucay Youtube

Published: January 13, 2021

Shirkadda Youtube ayaa hawada kasaartay bartii uu Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ku lahaa Youtube.

Go’aankan ayaa daba socda xakameynta hadalada kicinta shacabka ah oo uu wado Donald Trump oo 7 maalmood kadib xilka ka degaya, waxaana horey go’aankan mid lamid looga xiray Trump bartii uu ku lahaa Twitter, Facebook, Snapchat iyo Instagram.

Weerarkii todobaadkii hore ay taageerayaasha Trump ku qaadeen xarunta Baarlamaanka Maraykanka oo ay ku dhinteen 5 qof ayaa lagu eedeeyey Madaxweynaha doorashada looga guuleystay inuu taageerayashiisa ka codsaday inay xoog ku galaan xarunta Baarlamaanka xiligii ay socotay ansixinta natiijada doorashada.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *