Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Ilhaan Cumar

Published: January 13, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa aaladda fogaan aragga kaga qeybgalay kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen, machadda Nabadda Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in ka qeybgaliyaasha kulanka uu siiyay warbixin ku aadan dib u habeynta agendiyaasha qaran iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

“Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agendiyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu ku qorey Twitter-ka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in kulan miro dhal ah la yeeshay, Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya.

Mareykanka waxaa uu kamid yahay dalalka taageera dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga oo ay ugu horeyso la dagaalanka argagaxisada hor taagan nabad dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *