Balanbale: Shan qof oo loo dilay aano Qabiil

Published: January 14, 2021

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Arbacadii weerar ku dilay shan qof oo rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Xirsi Lugeey duleedka magaalada Balanbale ee gobalka Galgaduud.

Weerarkan ayaa la sheegay in maleeshiyaadkan ugu aargudayeen saraakiishii kasoo jeeday deegaanka Balanbale oo lagu dilay duleedka magaalada Guriceel bishii December.

Maamulka Galmudug ayaa horey dadaal ugu jiray in lasoo qabto kooxihii ka danbeeyey weerarkii 6da sarkaal lagu dilay nawaaxiga Guriceel 9kii bishii December 2020, walow illaa iyo hada aan sharciga la keenin kooxdii weerarkaas hore ka danbeysay.

Dilkan ka dhacay nawaaxiga Balanbale ayaa laga cabsi qabaa inuu dab kusii shido xiisadan iyo aanada qabiil ee amniga deegaankaasi saameynta weyn ku yeelatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *