Maamulka K/Galbeed oo casho sharaf u sameeyay xulka K/Cagta

Published: January 14, 2021

Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay casho sharaf loo sameeyay xulka kubadda cagta ee Koofur Galbeed ee dhowaan ka qeybgalay tartankii Muqdisho lagu qabtay ee u dhexeeya ciyaartoyda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Koofur Galbeed, C/casiis Lafgareen, ayaa ka qeybgalay cashada lagu maamusay xulka kubadda cagta.

Cashada sido kale, Waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Barlamaanka ku Xigeenadiisa Wasiiro Xildhibaano Agaasimiyaal iyo marti sharaf lagu casuumay Xafladda.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa dhibaatooyin kala kulmay taageerayaasha xulka Banaadir ciyaartoodii ugu danbeysay, halkaasi oo ay dhaawacyo kasoo gaareen qaar kamid ah ciyaartoyda KGS.

Wasaarada Isboortiga ee Koonfur Galbeed ayaa dhamaadkii bishii hore ee December sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin ciyaaraha noocaan ah oo lagu qabto Banaadir illaa ay dowlada Federaalka iyo maamulka Banaadir jawaab ka bixinayaan falkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *