Militariga Itoobiya oo sheegay inay dileen Wasiirkii hore ee Dibadda iyo xubno sare oo kamid ahaa TPLF

Published: January 14, 2021

Taliska Militariga Itoobiya ee qaabilsan hawlgalada ka socda gobalka Tigreyga ayaa bartooda twitter ku shaaciyey in hawlgal lagu dilay Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada Seyoum Mesfin iyo sadex saraakiil sare oo kamid ahaan jiray TPLF.

Warkan ayaa lagu sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay 5 xubnood oo kamid ah hogaanka TPLF.

Seyoum Mesfin oo muddo dheer soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Xukuumadii Meles Zenawi ayaa kamid ahaa madaxda sare ee Tigreyga iyo xubnaha sida weyn uga soo horjeeda dowlada Abiy Ahmed.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay diideen inay isu dhiibaan ciidamada militariga.

Raysalwasaare Abiy Ahmed ayaa 28kii bishii November sheegay in lasoo afjaray dagaalkii ka socday gobalka Tigreyga kadib dagaal adag oo socday muddo bil ah, walow wararka kasoo baxaya gobalkaasi ay sheegayaan in iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo TPLF ay weli sii socdaan.

Ciidamada Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa xooga saarayey bishii lasoo dhaafay sidii gacanta loogu dhigi lahaa madaxdii sare ee TPLF oo qaarkood aan weli la qaban, waxaana horey xabsiga loogu taxaabay siyaasiyiintii caanka ahaa ee gobalkaasi kasoo jeeday iyo qaar kamid ah madaxdii hore ee ismaamulka Tigreyga.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *