WHO oo bilaabeysa baaritaanka meeshuu ka yimid cudurka Covid19

Published: January 14, 2021

Magaalada Wuhan ee dalka China ayey maanta oo Khamiis ah gaareen koox saynisyahano ah oo ka socda hay’ada caafimaadka Adduunka, kooxdan ayaa loo xilsaaray inay soo baaraan meesha uu ka yimid cudurka Coronavirus, dowlada China ayaa horey marar dhowr ah u horjoogsatay in baaritaankan la sameeyo.

Khubaradan ka socda WHO ayaa gaaraya 10 xubnood kuwaasi oo soo diyaarin doona xog dhameystiran ee ku aadan goobta uu ka bilowday cudurka Covi19 iyo qaabka uu u faafay.

Cudurkan sida weyn u saameeyey dunnida ee Covid19 ayaa markii ugu horeysay lagu arkay magaalada Wuhan dhamaadkii sanadkii 2019, tan iyo xiligaasi tiradda dadka u dhintay cudurkan ayaa gaaraya 1.98-milyan oo qof oo caalamka ku kala nool.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments