UGANDA: Bobi Wine oo sheegay in doorashada la musuq-maasuqay!

Published: January 15, 2021

Waxaa socota tirinta cododka doorashada Madaxweynaha Ugandha oo shalay dhacday, qaar kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka ayaa sheegaya in la musuq maasuqay qaabka ay codbixinta u dhacday.

Bobi Wine oo ah murashaxa ugu taageerada baddan ee la tartamaya Madaxweynaha xilka haya Yoweri Museveni ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in codbixinta la musuq maasuqay walow uusan weli soo bandhigin wax cadeyn ah.

Dowlada Ugandha ayaa dhankeeda sheegtay in codbixintii shalay ay u dhacday si wanaagsan oo nabad ah.

Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan natiijada berri oo sabti ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *