Ciidamada PSF Ee Puntland Oo Hawgal Kusoo Qabtay Shaqsiyaad Sameeya Walxaha Qarxa

Published: January 16, 2021

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kusoo qabtay shakhsiyaad la raadinayey oo diyaariya waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

War qoraal oo kasoo baxay taliska ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay shaqsiyaadka la qabtay inay diyaarin jireen walxaha qarxa isla markaana loo gudbin jirey buuraleyda Galgala si loogu waxyeelo ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan.

“Ciidanka PSF hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen shakhsiyaad la raadinayey oo diyaariya waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo kadibna geeya buuraha si loogu waxyeeleeyo ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Cal Madow.”.

PSF

Laamaha amniga Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgalo lagu sugayo amaanka ka wadey magaalada Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *