Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeer Ku Tagey Qaar Kamid Ah Xarumaha Dowlada – SAWIRO

Published: January 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda  iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha  Warbaahinta Qaranka oo kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariirta  wargelinta, wacyi-gelinta  iyo isku xirka dowlada iyo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacana loogu adeego shacabka, gacana doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *