Somaliland – Saddexda Xisbi Qaran Oo War Kasoo Saaray Doorashada

Published: January 17, 2021

Hoggaanka sare ee saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta si wada-jir ah usoo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka u cayimeen inay Somaliland ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo ah 31/05/2021, waxana ay farriin u direen golaha guurtida.

Kaddib kulan wada-jir ah oo ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi-shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa shaaciyey inay xisbiyada iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaata iyo Komishanka .

Ugu Danbayntiina Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hoosta ka xarriiqay inay axsaab ahaan ku wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *