Madaxii Shirkadda Samsung oo xabsi lagu xukumey

Published: January 18, 2021

Madaxa shirkadda Samsung Lee Jae-Yong ayaa lagu xukumay xabsi dhan 2.5 sano ka dib markii uu ku lug yeeshay fadeexad weyn oo musuqmaasuq.

Jae-Yong waxaa lagu xukumay, inuu laaluushay Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-Hye iyo la taliyayaasheeda.

Lee Jae-Yong waxaa la xiray Febraayo 17, 2017, iyadoo looga shakiyay laaluush, wax isdaba marin iyo been abuur. Isaga iyo afar ka mid ah madaxda sare ee Samsung ayaa markii dambe lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen fadeexad musuqmaasuq weyn oo ku lug lahayd Madaxweyne hore ee Kuuriyada Koofureed Park Geun-Hye iyo dadka ku dhawaa.

Yae-Yong iyo madaxda kale waxaa looga shakiyay inay qariyaan hantida madaxweynaha iyo inay laaluush siiyeen madaxweynaha si ay uga helaan taageero siyaasadeed.

Jae-Yong waxaa lagu xukumay xabsi bishii Agoosto 2017, iyo waxyaabo kale, laaluush, laakiin waxaa la sii daayay lix bilood ka dib markii xukunkiisii ​​xabsiga la soo gaabiyey.

Xukunka waxaa loo gudbiyay maxkamada sare ee Kuuriyada Koofureed haatana wuxuu imanaya xukunkii cusub. Jae-Yong markale waxaa lagu helay dambi ah laaluush waana inuu hadda dhameeystaa xabsi 2.5 sano ah.

Madaxweynihii xilligaas ee Park Geun-Hye waxaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah Maxkamadda Sare sanadkii 2017 ka dib markii la helay fadeexado dheer oo taxane ah oo laaluush ah. Waxay ka heshay laaluush aad u badan kooxaha waaweyn ee shirkadaha dalkaas, oo ay ku jirto Samsung.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *