Sheekh Shariif: “Waxaa la is weydiin waxa dhacaya 8 Febaraayo”

Published: January 18, 2021

Madaxweynihii hore ee Dowladdii kumeelgaarka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale ka hadley arrimaha doorashada ee Soomaaliya, waxaana uu walaac ka muujiyey xaaladda hadda lagu jiro iyo sida looga anbaqaadayo.

“Doorashooyinku waa in ay ku dhacaan wakhtigooda sida aad wada ogtihiin waxaan la rajeyneynay in laxaliyo khilaafaadka kajira ee fulinta wixii lagu heshiiyey laakiin weli madhicin mucaaradka marwalba aragtidooda waa doorasho xor iyo xalaal ah oo dadka soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ku qanci karaan, doorashaduna waa arin qaran ee ma ahan arin qolo gaar ah leedahay waxaana aamin sanahay in wali laheysto waqti arimahaas lagu xalinkaro.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa is weydiiyey waxa dhacaya haddii la gaaro 8 Febaaraayo, waxaana uu odorosay in xal la gaaro ka hor inta aan la gaarin 8 Febaraayo ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa weli socda wada hadal lagu xalinaayo fulinta heshiiskii 17 September, waxanaa hadda hormuud ka ah beesha caalamka oo markii hore dusha ka daanaweysey sida wax u socdaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *