Dowladda federaalka oo beenisey ciidamdeedu ka dagaalameen Itoobiya

Published: January 19, 2021
Wasiirka Warfaafinta Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe

Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa waxba ama jiraan iyo mala’awaal ku tilmaantey eedeymo kooxaha mucaaradku wadeen maalmihii u danbeysey taas oo la xiriirta in ciidamo Dowaldda federaalku tababar ugu dirtey dalka Ereteeriya loo daabuley gudaha Itoobiya oo ay qayb ka ahaayeen dagaaladii dhawaan kadhacay Waqooyiga dalkaas ee gobolka Tigreey.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan gebi ahaanba jirin ciidamo Soomaaliya leedahay oo Itoobiya ka dagaalamey.

“Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Tigrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Maalmihi u danbeeyey waxaa baraha bulshada lagu dhexwadey, magacyo dadka ku dhintey dagaaladaas oo aan ka dadneyn 10 qof, sidoo kale waxaa jirey haween sheegtey inb ay hooyooyin u yihiin ciidamada maqan oo Gaalkacyo ka hadley. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah kuwa ku kacsan Xukuumadda federaalku wuxuu sheegay in ciidankaasi ahaayeen 3000 oo askeri oo ay ka soo hareen 180 dhaawac ah keliya, ma jirin wax caddeyn ah oo uu soo bandhigey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *