James Swan oo Garoowe ku soo wajahan

Published: January 19, 2021
James C. Sawan Eragyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James C. Swan, ayaa safar ku imaanaya magaalada Garoowe todobaadkan..

Madaxweynaha Puntland oo labadii maalmood ee u danbeysey ku sugnaa magaalada Qardho ayaa isla maanta dib ugu laabtey Garoowe si uu u soo dhaweeyo James Swan.

Safarka James Swan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalku sii gelayo xaalad cakiran, kadib markii lagu heshiin waayey fulinta ama hirgelinta heshiiskii 17 September lagu gaarey Muqdisho, waxaana mudadii sharciga ahayd ka dhamaadey goloyaasha baarlamaanka, halka Madaxweyne Farmaajo saacaddu dul taagan tahay ooo ay u harsan yihiin maalmo qur ah.

James Swan waxaa safarkiisa ku weheliya xubno kale oo ka tirsan qaybaha hormarinta ee UNSOM, waxaana uu noqonaya safarkii u horeeyey ee sanadka 2021.

Kulanka ayaa diirada lagu saari doona barnaamijka Qaramaa Midoobey ka waddo Soomaaliya ee hormarinta iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hareeyey Doorashada.

Waxaa muuqata in beesha caalamku si dhab ah faraha ula soo gashey arrimaha cakiran ee doorashada, kadib markii isku dayadii u danbeeyey ee Qoor-qoor iyo Lafta-gareen fashil ku dhamaadeen. Dhanka kale farogelinta beesha caalamka ayaa ku soo begmaysa iyada oo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto xilku ka sii dhamaanayo oo uu noqdey kusime inta Madaxweynaha cusub ee maraykanku Joseph Biden uu soo magacaabayo safiir cusub, Donald Yamamoto ayaa ahaa xubin aad u firfircoon marka laga hadlaayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Si kastaba waxaa la rajeynayaa in ka hor 8 Feberaayo la gaaro heshiis lagu hirgelinaayo heshiiskii Muqdisho ee doorashada dadban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *