Maraykanka oo duqeeyey xarun al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

Published: January 19, 2021

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa war ka soo saarey duqeyn ay ka fuliyeen degmada Tiyaaglow ee gobolka Bakool.

Africom ayaa sheegtey iyada oo kaashanaysa Dowaldda Federaalka ee Soomaaliya in ay maalintii shalay ee Isniinta weerar duqayn ah ka fuliyeen meel ku dhaw Tiyaaglow, waxaana warka lagu yiri waxaa la burburiyey xarun al-Shabaab halkaas ku lahaayeen.

Warar ayaa sheegaya in xarunta la burburiyey ay ahayd mid al-Shabaab warbaahin u isticmaali jireen, sidoo kale ay ku taaley Raadiyaha loo yaqaan Andulus ee Goboladaas laga dhegeysto ee ku hadla ujeedooyinka al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *