Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Gaaray Badhan

Published: January 19, 2021

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka kasoo kicitimay caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Wafdiga guddoomiyaha oo ay kamid ah ahaayeen wasiirada maaliyadda iyo amniga Puntland, taliyeyaasha ciidamada daraawiishta, booliska iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilladda Puntland ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Saraakiil iyo qaybaha bulshada.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa cisbtaalka magaaladasi ku booqday dhaawacyada ciidamo ka tirsan daraawiishta gobolka Sanaag oo maanta gaari uu kula rogmaday wadada u dhaxeysa Badhan iyo Ceeldaahir kuwaas oo cisbitaalka la dhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *