Baarlamaanka oo Villa Soomaliya ka codsaday inay ka jawaabto xaalada Ciidamada kumaqan Eretria

Published: January 20, 2021

Guddiga Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wakhtigiisa dhamaaday ayaa soo saaray qoraal ay uga codsanayaan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu jawaab ka bixiyo xiisada ka dhalatay dhalinyarada ciidamada la qoray ee la sheegay inay tababar ugu maqan yihiin dalka Eretria.

Waalidiinta iyo qoysaska dhalinyaradaasi oo qaylodhaan soo saaray ayaa walaac ka muujiyey wararka soo baxaya ee sheegaya in dhalinyaradaasi la geeyey Eretria inay qaar badan oo kamid ah ku dhinteen dagaaladii ka dhacay gobalka Tigrayga ee Itoobiya iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Eretria.

Guddiga Baarlamaanka ayaa codsaday in dowlada ay shaaciso tirada dhalinyarada la geeyey Eretria iyo xaalada ay ku sugan yihiin, waxay sidoo kale Villa Soomaaliya ka codsadeen in waalidiinta lala hadalsiiyo caruurtooda.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale soo jeediyey in guddi ka socda xukuumada iyo Baarlamaanka loo diro dalka Eretria si ay u soo xaqiijiyaan xaalada ay ciidamadaasi ku sugan yihiin.

Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka ayaa horey war ay soo saartay ku beenisay wararka sheegaya in dhalinyaradaasi ku dhinteen dagaalada ka dhacay gobalka Tigrayga, walow in baddan oo kamid ah Waalidiinta dhalinyaradaasi ay shaki dheeraad ah kasii qaadeen warka kasoo baxay xukuumada & in aan illaa iyo hada xog rasmi ah laga heyn ciidamadaasi.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *