Dowladda federaalka miyey u digtey James Swan?

Published: January 20, 2021

Warar ay heshey Horseed Media ayaa sheegaya in Dowladda federaalku u digtey ergayga gaarka ah ee xogahayaha Qaramada Midoobey uga wakiilka ah Soomaaliya, mr James San in aanu faraha la gelin arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya ku ekaado shaqooyinka uu wakiilka uga yahay UN-ka.

James C. Swan ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen uu kala hadley sidii aan loo qaban lahayn doorasho aan loo dhameyn, waxaana wararku sheegayaan in uu ka dalbadey in liistiga musharixiinta ee Aqalka sare ee la soo bandhigi lahaa 14 Janaayo uu dib u dhigo oo uu siiyo muddo 10 maalmood ah oo uu ku xalinaayo is marinwaaga, haddii taasi suurta gal noqon weydo in ay qaban karaan doorashada.

James Swan ayaa lagu wadaa in uu yimaado Puntland, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya in hirgelinta wixii lagu heshiiyey ay u baahan tahay shir kale oo la isugu yimaado, taas oo uu aad u diidan yahay Madaxeynaha Jamhuuriyadda federaalka ee wakhtigiisu dhamaadka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashada James Swean ee Puntland ayaa ah mid sii qorsheysneyd lana xiriirta arrimaha hormarinta iyo gargaarka ee Qaramada Midoobey ay ka wadaan Soomaaliya, laakiin waxay ku soo beegmeysaa xili cakiran oo siyaasadda dalku jihadeedu jaahwareer ka taagan yahay.

Wararku waxay sheegayaan in hadda ay u badan tahay in Koonfur Galbeed ay bilowdo hirgelinta heshiiskii 17 September lana qabto doorashada Aqalka sare maalmaha soo socda.

Muddadii xil haynta ee Madaxweyne Farmaajo waxaa ka harsan maamlo yar, majiro shaqooyin bilowdey iyo taabogelinta heshiiskii la gaarey ee lagu murmey sida loo fulinaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *