Madaxweynaha iyo kuxigeenka Maraykanka oo xilka loo dhaariyey

Published: January 20, 2021

Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Joe Biden iyo Kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa xilka loo dhaariyey xaflad ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee Capitol Hill.

Munaasabada dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa si weyn uga duwaneyd xafladihii hore iyadoo dad kooban ay kasoo qeyb galeen, maadaama ay jirto cabsida cudurka Covid19 oo dalkaasi faro-ba’an ku haya iyo waliba rabshadihii taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Trump ka sameeyeen caasimada Maraykanka laba asbuuc kahor oo keentay in la xiro qeybo badan oo kamid ah Washington DC.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ay ciidamo gaaraya 25kun oo askari ka qeyb qaadanayaan illaalinta inta ay socdaan xafladahan lagu soo dhaweenayo maamulka cusub.

Madaxweynayaashii hore ee Maraykanka inta nool ayaa ka qeyb galay xaflada marka laga reebo Madaxweynihii hore Carter oo isagu ah nin da’a ah.

Madaxweyne kuxigeenka xilka ka degay Mike Pence ayaa sidoo kale ku sugnaa xaflada halka Madaxweynihii hore Donald Trump uu saaka u dhoofay gobalka Florida isagoo diiday inuu ka qeyb galo xaflada caleemo-saarka Joe Biden.

Trump oo khudbad kooban usoo jeediyey tiro yar oo ah taageerayaashiisa oo ku saagootiyey Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu guul u rajeenayo maamulka cusub isagoo aan soo hadal qaadin magaca Madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Joe Biden ayaa khudbadii uu soo jeediyey kadib markii xilka loo dhaariyey ayaa sheegay in uu doonayo inuu mideeyo shacabka Maraykanka oo si weyn ugu kala fogaaday siyaasada.

Biden ayaa sheegay in hawl badan ay sugeyso isla markaana ka codsaday shacabka Maraykanka inay si wadajir ah uga qeyb qaataan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed, cudurka Covid19 iyo dhaqaale burburka dalkaasi ka jira.

Wuxuu Madaxweynaha cusub sheegay inuu isagu u shaqeyn doono dhamaan shacabka Maraykanka kuwii isaga u codeeyey iyo kuwii kasoo horjeeday intaba, wuxuuna balanqaaday inuu si daacad ah ugu shaqeyn doono.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *