Raysalwasaaraha Talyaaniga oo codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka

Published: January 20, 2021

Raysalwasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ka badbaaday in xilka laga xayuubiyo kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Talyaaniga ay codka u qaadeen mooshin kalsoonida.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii ay xukuumada isaga baxeen xubnihii mid kamid ah xisbiyada Isbaheysiga xukuumadiisa.

Aqalka Sare (Senate) oo ka kooban 321 kursi ayaa Salaasadii shalay codka u qaaday mooshinkan iyadoo ay 156 xildhibaan codka kalsoonida siiyeen Raysalwasaaraha halka ay diideen 140 xildhibaan, waxaa ka aamusay 16 xildhibaan.

Raysalwasaare Conte ayaa sidan oo kale Isniintii lasoo dhaafay codka kalsoonida uga helay Aqalka Hoose, balse xukuumadiisa ayaa hada ah mid aan heysan codod ku filan Baarlamaanka kala qeybsan taasi oo meesha ka saareysa in ay dhaqan gelin karaan qorshahooda si fudud hadii aysan taageero ka helin Xildhibaanada mucaaridka ah.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *