Shir looga hadley Amniga Garoonka Muqdisho

Published: January 20, 2021

Shir looga hadlayay horumarinta Amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga waxaa ka qayb galay Xafiiska QM ee UNSOM, AMISOM iyo hay’ado kale iyadoo dhanka wasaaradda amniga uu shirka hoggaaminaayey wasiiru dowlaha wasaaradda Farxaan Cali Axmed.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay muhimadda ay leedahay amniga caasimadda, sidii loo ilaalin lahaa ilaha dhaqaalaha, sida garoonka diyaaradaha, dhismayaasha diblomaasiyiinta iyo goobaha loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Amniga XFS mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay in xaqiijinta amniga garoonka iyo degmooyinka ka agdhaw.

Waxaa si weyn u soo dhawaadey dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo iyada oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin fulinta heshiiskii September 2020, waxaana dad badan oo Soomaaliyeed is weydiinayaan sida xaaladdu noqon karto iyada oo aan heshiis laga gaarin xaaladda cakiran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *