Trump oo saacadihii ugu danbeeyey xilkiisa cafis u fidiyey danbiilayaal badan

Published: January 20, 2021

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Donald Trump ayaa shaaciyey listiga in ka badan 140 danbiilayaal ah oo xabsiyo kala duwan ku xukuman kuwaasi 70 kamid ah cafis loo fidiyey, halka 73 kale laga khafiifiyey xiliga xabsiga dheer ee lagu xukumay.

Ragga Trump cafiska u fidiyey ayaa waxaa kamid ah Steve Bannon oo horey u ahaan jiray lataliyihiisa kana mid ah hogaamiyayaasha xagjirka cunsuriyiinta taageerta Trump kaasi oo lagu helay danbiyo la xariira lunsasho hanti shacab. Bannon ayaa Qaaraan badan oo uu ka aruuriyey taageerayaasha Trump ku sheegay in lacagtaasi lagu dhisi doono Darbiga lagu xirayo xaduuda u dhaxeysa Maraykanka iyo Mexico, lacagtaasi oo uu jeebka ku ritay.

Wuxuu Steve Bannon sidoo kale kamid ahaa xubnihii sida weyn u abaabulayey weerarkii 6dii Janaayo ay taageerayaasha Trump ku qaadeen xarunta Baarlamaanka ee Capitol Hill.

Dadka cafiska ka helay Trump ayaa waxaa kamid ah labada fanaan ee caanka ah Lil Wayne iyo Kodak Black oo kamid ah fanaaniinta madowga Maraykanka oo lagu xukumay hub sharci daro ah oo ay heysteen.

Trump ayaan cafis u fidin caruurtiisa iyo waliba isaga naftiisa oo laga yaabo in danbiyo lagu soo oogo markuu xilka ka deggo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *