TRUMP: Waxaan sameynay wixii aan halkaan u nimid inaan sameyno

Published: January 20, 2021

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Maraykanka Donald Trump wuxuu jeediyay khudbad macasalaameyn ah, taas oo ahayd mid la duubey ka hor inta aanu Aqalka Cad ka guurin, waxaana lagu faafiyey barta Youtube-ka.

Waxaan sameynay wixii aan halkaan u nimid inaan sameyno iyo waxyaabo kaloo badan, ayuu yiri Donald Trump.

Si guud uguma mahadnaqin dadka Mareykanka, waxaase uu si gaar ah u tilmaamey “waddaniyiin dadaal badan” – sidoo kale waxa uu iska fogeeyey rabshadaha siyaasadeed wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday dhismaha Koongareeska.

Wuxuu kaloo sheegayaa in “dhammaan Mareykanku ka argagaxeen weerarkii lagu qaaday caasimada”

Rabshadaha siyaasadeed waa weerar lagu qaado wax kasta oo aan qiimeyno haddii aan nahay Mareykan. Marnaba looma dulqaadan karo. hadda iyo weligeed, waa inaan ku midownaa qiyamkeenna la wadaago oo aan ka sara marnaa khiyaanooyinka xisbiyada iyo siyaasadda oo aan qaabeynaa masiirkeenna guud.

Donald Trump waxaa lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon isla markaana uu sababay duufaan xoog leh oo ka dhacay Capitol Hill. Goor sii horeysay maanta, Hogaamiyaha Aqlabiyada Golaha Guurtida ee waqtigiisu sii dhamaanayo, Mitch McConnell oo ka tirsan Xisbihga Jamhuuriga oo xilka ka sii dagaya, wuxuu yiri “Dadka rabshadaha dhigey ee qabsadey dhismaha Kongresska, waxaa lagu kiciyey been ka timid Madaxweynaha iyo dad kale oo awood oleh.

Trump waxa uu noqdey Madaxweynha keliya ee abid laba jeer xil ka xayuubin lagu sameeyo, waxaana hadda sugeysa Maxkamadda Aqalka Guurtida. Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed.

Mar qura intii uu ku guda jirey khudbadiisa oo ka badan 20 daqiiqo ma uusan xusin Madaxweynaha xilka ka kala wareegaya ee Joe Biden magaciis. Waa dhaqan ka baxsan soo jireenka siyaasadda ee Maraykanka in aanu qaadan guuldarro, oo u hambalyeyn Madaxweynaha la doortey. Waa iska cadahay inuusan qaadin masuuliyada duulaanka Congress-ka waana wax lala yaabo inuu isku tilmaamo inuu yahay hogaamiye mideeya Mareykanka marka Washington ay umuuqato aag dagaal maanta oo ah maalin taariikhi ah oo Madaxweyne cusub xilka loo dhaarinaayo.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *