Biden oo Laalay xayiraadii Socdaalka Muslimiinta iyo Sharuucdii Trump

Published: January 21, 2021

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa maalintii ugu horeysay ee xilka loo dhaariyey saxiixay 17 dikareeto oo uu ku laalayo sharuucdii uu dhaqan geliyey Madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, sharuucda lalaay waxaa kamid xayiraadii socdaalka ee la saaray muslimiinta dooneysa inay booqdaan Maraykanka.

Biden ayaa sidoo kale qalinka ku duugay amarka lagu joojinayo dhismaha derbigii laga dhisayey xaduuda u dhaxeysa wadamada Maraykanka iyo Mexico.

Madaxweynaha Cusub ayaa dhinaca kale tirtiray go’aanadii Trump ee dowlada Maraykanka looga saaray xubinimada hay’adaha caalamiga ah sida WHO iyo heshiiskii caalamiga ahaa ee Cimilada oo lagu saxiixay Paris, France.

Madaxweynayaashii horey usoo maray Maraykanka ayaa hal dikareeto saxiixi jiray maalinta ugu horeysa shaqadooda, balse Biden ayaa sheegay inuu doonayo inuu si dardarleh hawsha ku bilaabo isagoo doonaya marka ugu horeysa inuu meesha ka saaro sharuucdii Trump ee sida weyn loo necbaa, si markaasi uu ugu guda-galo hawlaha waaweyn ee sugaya sida la dagaalanka faafida cudurka Covid19 oo ay xukuumadii ka horeysay ku fashilantay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *