Daraasin qof oo ku dhimtey qarax ka dhacay Baqdaad.

Published: January 21, 2021
Baghdad, Iraq January 21, 2021. REUTERS/Thaier al-

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhimatay 110 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo mataano ah kaas oo lala beegsaday aag mashquul badan oo ku yaal bartamaha Baqdaad subaxnimadii Khamiista, saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Yahya Rasool ayaa u sheegay Telefishanka Al Jazeera in mid ka mid ah labada qof ee is qarxisey uu khiyaamey dadka oo soo jiitay dadweyne badan bartamaha Tayaran isagoo isu ekeysiiyay in qalal ku dhacay, kadibna uu qarxiyey bobmka.

Qaraxa labaad ayaa dhacay markii ay dadka caawinayeen dhibbanayaasha weerarkii koowaad, ayuu yiri Rasool.

Weerarka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee mataano ah oo ka dhaca magaalada Baqdaad tan iyo bishii Jannaayo 2018, markaasoo 35 qof lagu dilay 90 kalena lagu dhaawacay isla fagaarihii la beegsaday maanta oo khamiis ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in isbitaalada caasimada la keenay dad badan oo qaba dhaawacyo kala culus. Saraakiisha Iraq ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay u badan tahay inay kororto maadaama in badan oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka ay xaaladoodu liidato.

Ma jirto cid isla markiiba qaadatay mas’uuliyadda weerarka.

Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ururka xagjirka ah ee ISIL laga adkaaday dhamaadkii 2017 kadib olole xoogan oo socday seddex sano.

Laakiin weerarada ISIL ee wadanka oo dhan ayaa mar labaad kor u kacayay sanadkii la soo dhaafay, gaar ahaan waqooyiga Ciraaq halkaasoo unugyo kamid ah ISIL ay weli shaqaynayaan.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *