Wakiilada Beesha Caalamka iyo Deni oo shir ku qaatey fogaan arag

Published: January 21, 2021

Iyada oo Beesha Caalamku weli sii wado shirarka loo adeegsanayo Internetka ay la yeelanayaan hoggaamiyaasha Soomaalida, ayey maanta shir Online ah la qaateen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Warbixin kooban oo ka soo baxdey xafiiska Wakiilka Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha doorashada waxaana lagu yiri beesha caalamku waxay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku booriyeen in la raadiyo xal u helida caqabadaha doorashooyinka Soomaaliya iyadoo loo marayo wadahadal iyo tanaasul.

Sida qorshuhu ahaa maanta oo khamiis ah ayey ahayd in James Swan yimaado magaalada Garoowe, laakiin kulamdiisi ayuu u beddalay kuwo Internetka ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa weli ku adkeysanaya in loo baahan yahay shir lagu xalinaayo caqabadaha jira ee aan loo baahneyn u kala dabqaadid, laakiin waxaan weli oggolaan shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee xilku ka sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar Horsed heleyso ayaa shegaya in ay hadda u dhawdahasy in xal laga gaaro sida kulan loo qaban lahaa, ka hor 25 bishan, taas oo ah xilliga uu qabsadey dhex dhexaadiyahan cusub James Swan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *