Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha

Published: January 21, 2021

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay daah furka Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha iyo kalluumaysiga oo maanta Muqdisho ka furmay.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wakiilka Mudiwoga Yurub ee Soomaaliya, wakiilo ka kala socday kalluumeysatada iyo Beeraleyda Soomaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa mashruucan ku tilmaamay inuu wax badan ka badali doono dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dakhliga ka soo xarooda xoolaha iyo kalluumeysiga, isagoo xusay in Midowga Yurub looga baahanyahay inay gacan ka geystaan wax soo saarka dalka iyo dhiiri gelinta kalluumeystada iyo Beeraleyda.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalada iyo horumarka ay sameeyeen Wasiirada heer Federaal iyo kuwa xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee ku aadan in laga faa’iideysto kheyraadka aan leenahay oo ay ku jiraan qeybta wax soo saarka  oo ah lafdhabarka kororka dhaqaalaha dalka” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Wakiilka Mudiwoga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Midowga Yurub uu gacan ka geysan doono horumarinta mashaariicda ay ka hirgelinayaan gudaha dalka.

“Soomaaliya waa dal leh xeeb aad u dheer, Midowga Yurub kaliya arrimahan waxba kama qaban karo hadaan la helin dhul leh amni” ayuu yiri Danjire Nicolas Berlanga,

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo daah furay mashruucan ayaa sheegay in barnaamijkan ay ka faa’iideysan doonaan bulsho badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *