Madaxda Dowlad goboleedyada oo shir fogaan arag ah yeeshay

Published: January 22, 2021

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in habeenkii xalay shir loo adeegsadey aaladda Internetka uu dhexmaray Madaxweynyaasha Dowlad goboleedyada dalka ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed Jubaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa daba socdey shir Wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliyaay la yeesheen Madaxda Jubaland, Galmudug iyo Puntland iyaga oo horey u booqdey Koonfur Galbeed, waxaana ay ku booriyeen in laga gudbo caqabadaha ku gadaaman in la fuliyo heshiiskii September 2020 lagu gaarey Muqdisho, iyada oo aan heshiiska waxba laga beddeleyn.

Warar ku dhaw shirka Madaxda Dowlad goboleedyada ee habeenkii xalay ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay weli ku adkeysanayaan in shir la isugu yimaado kaas oo lagu xalinaayo tabashooyinka iyo caqabadaha jira, laakiin Laftagareen, Qoor-qoor iyo Guudlaawe ayaa soo jeediyey in dib loo dhigo doorashada gobolka Gedo ka dhici lahayd laakiin inta heshiiska lagu yahay wax laga qabto, oo Jubaland iyo Puntland soo magacabaan 16 xubnood ee laga sugaayo.

Saddexda Dowlad goboleed ee Galmudug Hir-shabelle iyo KG ayaa ku adkeysanaya in ay qabanayaan doorashada oo ay fulinayaan heshiiskii September 2020 haddii aan xal la gaarin shanta maalmood ee soo aadan.

Qodobada khilaafku ka taagan yahay aya kala ah:

  1. Gobolka Gedo: waxaa yaala 16 kursi, Axmed Madoobe waxa uu lee yahay waa in gobolka gebi ahantiis la igu soo wareejiyaa, inkasta oo heshiiska aan lagu darin qodob sidaas sheegaya.
  2. Guddiga doorashada ee Xildhibaanada dirta Waqooyi ee lagu qabanaayo Muqdisho.
  3. Xubno kmaid ah guddiyada doorashada oo lagu tuhunsan yahay inaysan sinaba dhex dhexaad u noqon karin.

Saddexdan qodob ayaa saldhig u ah in doorashadu dhaafto xiligeedi oo ka soo bilaamey 01 Diseembar 2020.

Horseed Media uma suurta gelin in ay xaqiijiso in la isla qaatey doontitaanka Deni iyo Madoobe ee ku aadan in la isugu yimaado shir kale oo lagu xalinaayo caqabadaha jira, inkasta oo Beesha Caalamku ay mowqif kaas ku dhaw dalabatey oo ah in la isu yimaado oo la isu tanaasulo.

Muddo xileedkii Baarlamaanka ayaa la soo dhaafey kaas oo ku ekaa 27 Diseember, inkasta oo ilaa la soo doorto Baarlamaankii beddeli lahaa ay iyagu xilka sii haynayaan, halka Madaxweyne Farmaajo ay u harsan tahay maalmo kooban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *