Maxkamadeynta Trump oo bilaaban doonta bisha Feberaayo

Published: January 23, 2021

Maxkamadeynta Madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka bilaaban doonta aqalka guurtida todobaadka labaad ee bisha Febraayo oo ku beegan 8/2/2021. Sidaas waxaa sheegay hogaamiyaha aqlabiyada Aqalka Shuyuukhda Chuck Schumer habeenkii jimcaha.

Schumer wuxuu farriinta si toos ah u siiyay Senate-ka ka dib markii uu heshiis la gaaray Xildhibaanada Jamhuuriga jadwalka maxkamadeynta. Jamhuuriyiintu waxay doonayeen inay Trump siiyaan toddobaad kale si uu isugu diyaariyo is difaacidiisa.

Eedeymaha ayaa hadda loo soo bandhigi doonaa Senate-ka habeenka Isniinta. Dhinacyada ayaa markaa haysan doona ilaa todobaadka labaad ee bisha Febraayo si ay isugu diyaariyaan maxkamdeynta, ayuu yiri Schumer.

“Dhanka kale, Senate-ka wuxuu sii wadi doonaa inuu wax ka qabto arrimaha kale ee muhiimka u ah dadka Mareykanka, sida anixinta xukuumadda iyo qoondada taageerada Koronafayras oo caawin doonta malaayiin Mareykan ah oo la ildaran cudurkan faafa,” hogaamiyaha aqlabiyada ayaa u sheegay Reuters.

Hogaamiyaha Senate-ka ee xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnell ayaa ku faraxsan in Trump la siiyay waqti dheeri ah oo uu ku diyaar garoobo, ayuu yiri afhayeenkiisa Doug Andres.

“Tani waa guul u soo hoyatay cadaaladda iyo fikirka ah in la helo nidaam sharci oo sax ah,” ayuu yiri Andres.

Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay taariikhda Mareykanka ee cadaalada la horkeeno kadib markii uu xilka ka degey guuldaradii doorashadii Nofeember 2020. Wuxuu sidoo kale noqonayaa kii ugu horeeyay ee laba jeer la horgeeyo xil ka xayuubin lagu sameeyo.

Trump ayaa lagu eedeeyay inuu kiciyay rabshado la xiriira duulaankii qasawadaayaashu ku qabsadeen dhismaha Koongareeska Mareykanka ee Capitol 6-dii Janaayo.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *