Russia: Taageerayaasha Mucaaridka iyo Booliiska oo gacanta isula tagay!

Published: January 23, 2021

Maanta oo Sabti ah ayey magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumada Vladimir Putin, mudaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey taageerayaasha hogaamiyaha mucaaridka Alexey Navalny oo ay dowlada xirtay.

Alexey Navalny ayaa Asbuucii hore dib ugu soo noqday Ruushka, wuxuu muddo 5 bilood ah jiifay isbitaal ku yaal dalka Germany, kadib markii lagu sumeeyey dalka Ruushka, falkaasi oo lagu eedeeyey sirdoonka Putin. Sunta laga helay jirkiisa ayaa ah mid ay soo saarto dowlada Ruushka sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Xukuumada Ruushka ayaa xalay iyo saaka xir-xirtay in ka badan 200 qof oo kamid ah gacan-yarayaasha hogaamiyahan oo qaban qaabinayey banaanbaxyada maanta dhacay.

60 magaalo oo ka tirsan dalka Ruushka ayaa la sheegay inay ka dhaceen banaanbaxyada looga soo horjeedo dowlada laguna taageerayo Alexey Navalny.

Navalny ayey booliiska Moscow xireen Axadii lasoo dhaafay kadib markii uu kasoo degay diyaaradii uu kasoo raacay magaalada Berlin ee dalka Germany.

Taageerayaasha Navalny ayaa sidoo kale shaaciyey filim cusub oo muujinaya musuq maasuqa ka jira dalka Ruushka oo ay ku jiraan sawiro iyo xog ku saabsan Qasriyada Quruxda badan ee uu dhistay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *