Sacuudiga oo sheegay inay ka hortageen gantaal lagu soo tuuray Riyadh

Published: January 23, 2021

Militariga Sacuudiga ayaa sheegay inay ka hortageen gantaal maanta lagu soo tuuray caasimada wadankaasi ee Riyadh.

Baraha bulshada ayey shacabka Riyadh ku faafiyeen muuqaal qarax ah oo la rumeysan yahay inuu ahaa gantaal hawada lagu qarxiyey.

Sacuudiga ayaa weerarkan ku eedeeyey kooxda Xuuthiyiinta Yemen oo horey sidan weeraro iyo duqeyn ulla beegsaday magaalooyinka waaweyn ee Boqortooyada Sacuudiga.

Macada weerarkii Sabtida in loo adeegsaday gantaal ama diyaaradaha Drone-ka oo bambaano sida oo ay horyey marar badan kooxda Xuuthiyiinta ugu adeegsadeen duqeynta saldhigyada militariga iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *