Ugu yaraan shan askeri oo qarax lagu diley magaalada Muqdisho

Published: January 23, 2021

Qarax xooggan ayaa ka dhacay degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystey khasaaro naf iyo maalba leh.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaana lala eegtey gawaari ay saarnaayeen Oday dhaqameedyo horey u soo noqdey Xildhibaano kuwaas oo kala ahaa Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale

Ugu yaraan shan askeri ayaa ku nafwaayey qaraxa ,waxaana ku dhaawacmey qaar kale.

Sida wararku sheegayaan waxaa gawaarida saarnaa Imaam Maxamed Yuusuf, waxaana uu ka badbaadey qaraxa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka xireen, iyagoona dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay halkaas maraan, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *