UPDF oo sheegtey in ay dileen ku dhawaad 200 oo al-Shabaab ah

Published: January 23, 2021

Ciidamada Ugandha ee AMISOM ayaa sheegtey in ay dileen 189 malayshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab gudaha Soomaaliya.

Lt. Col. Deo Akiki oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidanka Ugandha oo la hadley wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtey in ciidankoodu dileen 189 al-Shabaab ah. “Waa tiradii ugu badneyd ee al-Shabaab ah oo hal mar la dilo ayuu yiri”.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Siigaale oo qiyaastii Koonfur galbeed Muqdisho uga beegan masaafo gaareysa 99km.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegtey ina y burburiyeen qalab aad u tiro badan oo milteri oo kooxda al-Shabaab isticmaalayeen.

Sida ay sheegteen ciidamada Uganda weerarka ayaa ahaa mid gaadmo ahaa oo qorsheysnaa kaas oo u fulay sidii loogu talo galay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *