WHO oo 40 milyan oo ah talaalka Covid19 ka gadaneysa shirkada Pfizer

Published: January 23, 2021

Hay’ada caafimaadka ee WHO ayaa heshiis la gashay Jimcihii shalay shirkada Pfizer ee soo saarta talaalka Covid19, heshiiskan oo qeyb ka ah mashruuca WHO ee talaalka lagu gaarsiinayo dalalka Saboolka ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Madaxa hay’ada WHO Dr.Tedros Adhanom oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin heshiiskan oo uu sheegay inuu qeyb ka yahay in dhamaan dalalka caalamka ay fursad u helaan talaalkan oo ah daawada kaliya ee looga hortagi karo faafida cudurka Covid19 oo caalamka oo dhan khatar ku ah.

Mashruucan oo loo yaqaan (Covax global pool) ayaa waxaa ku mideysan 172 wadan oo u badan dalalka saboolka ah oo ay ku jirto SOOMAALIYA, kuwaasi oo doonaya inay helaan daawada talaalka looga hortago cudurka Covid19, xili dalalka horumaray ay tartan ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan daawooyinkan.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment