Burcad-Badeeda Galbeedka Afrika oo afduubtay Markab Turkiga laga leeyahay

Published: January 24, 2021

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay ciidamadeeda u direyso galbeedka Afrika si ay usoo furtaan Markab dalkaasi laga leeyahay oo Sabtidii shalay ay xeebta dalka Guinea ka qafaasheen Burcad-badeed.

Markabkan oo lagu magacaabo M/V Mozart ayaa ka baxay dekada magaalada Lagos-Nigeria kuna siijeeday Cape Town, Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay inay burcad badeeda gacanta ku dhigeen kadib markii dagaal gacanta ah dhexmaray naakhuudayaasha markabkaasi saarnaa iyo burcadda oo la xaqiijiyey inay dileen mid kamid ah shaqaalaha Markabka, 15 kalena nolol ku afduubteen.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninka la dilay lagu magacaabo Farman Ismayilov una dhashay dalka Azerbaijan, dhamaan shaqaalaha kale ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga.

Burcad-badeeda ugu khatarta badan xiligan ayaa ka hawlgala Galbeedka Afrika inta u dhaxeysa xeebaha dalalka Nigeria, Guinea, Togo, Benin iyo Cameroon.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *