Dedaaladii u danbeeyey ee qabsoomidda Doorashada Soomaaliya -WARBIXIN

Published: January 24, 2021

Madaxweynaha DOwlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qayb qaadan doonaa dedaalada u danbeeyey ee la doonaayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii Muqdisho 17 September 2020 ee qabashada doorashada Baarlamaanka.

Laftagareen ayaa kulamo la qaadan doono wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan, sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybo kamid ah Musharixiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan.

Wararku weaxay sheegayaan in 48 saac ee soo socda uu yahay kala bax ku aadan in la qqabto doorasho loo wada dhan yahay iyo in qaybo kamid ah dalka ay doorasho galaan.

GALMUDUG

Wararka laga helaayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo diyaar garow lagu soo dhaweynaayo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminaayo, waa safarkii labaad ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho tan iyo bilashada sanadkan cusub 2021, Safarkiisa ayaa la xiriira dardargelinta gargarka bini’aadanimo, arrimaha hormarinta iyo sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka.

SHIR MIYAA LA ISUGU IMAAN?

In shir danbe la isugu yimaado waxaa aad u xujeynayey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana wararku sheegayaa in ay u dhawdahay in shir la isugu yimaado, inkasta oo aan la caadeyn halka lagu qabanayo.

Dowladda federaalka oo aad uga soo horjeedey in shir la isugu yimaado isla markaana kua dkeysanayesey in la fuliyo wixii lagu heshiyey ayaa hadda ka soo debecdey mowqifkiidi hore waxaana ay hadda ka dalabanayaan in Deni iyo Madoobe soo magacabaan xubnaha guddiga doorashada, kadibna shir la isugu yimaado, wixii laga beddeli karo guddiga si guud looga wada beddelo.

Haddii heshiis la gaari waayo 48 saac ee soo socota ayey u badan tahay in saddexda Dowlad goboleed ee kale ay qabtaan doorashada Aqalka sare.

Mdaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor ayaa la shegayaa in uu doonaayo in uu badbaadiyo qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee hadda fadhiya in mar labaad dib loo soo doorto si culeyska qabashada doorashada aan loo dhameyn haddii uu qabto uga yaraato.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *