Jabhada Polisario oo weerartay xaduuda Marooko

Published: January 24, 2021

Jabhada ka dagaalanta Galbeedka Sahara (Westen Sahara) ee loo yaqaan Polisario Front ayaa maanta oo Axad ah duqeeyey saldhigyada Marooko ku leedahay xaduuda ay la wadaagto dalka Mauritania.

Jabhadan u dagaalameysa madax-banaanida Galbeedka Sahara oo ah dhulkii ay horey u gumeysan jirtay Spain oo ay sheegato Marooko ayaa dardar geliyey weeraradooda kadib markii xukuumadii dhacday ee Maraykanka ee Donald Trump ay sheegeen inay dhulkaasi la isku heysto u aqoonsan doonaan qeyb kamid ah Wadanka Marooko.

Marooko ayaa heshiiskii ay la gashay xukuumadii Trump ee ahaa inay xiriir la sameysato Israel ku bedalatay in Washington ay u aqoonsato dhulkaasi Galbeedka Sahara, arrintan oo markale sare usii qaaday xiisadii dhulkaasi ka jirtay.

Shan gantaal ayaa la sheegay in Jabhada Polisario ay ku dhufteen xaduuda ciidamada Marooko ku sugan yihiin ee loo yaqaan Guerguerat, goobtaasi oo ay maraan gaadiidka u kala goosha dalalka Marooko iyo Mauritania.

Dowlada Marooko ayaa sheegtay in weerarkii maanta uusan wax caqabad ah ku keenin isu socodka gaadiidka iyagoo sheegay in falkan uu qeyb ka yahay hanjabaada iyo argagaxinta ay wado jabhada dhulkaasi ka dagaalanta oo sare u qaaday weeraradooda 3dii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *