Madaxweyne Deni Iyo Qunsulka Cusub Ee Itoobiya Oo Ku Kulmay Garoowe

Published: January 24, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Itoobiya ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inay kulmeen labadan masuul balse lama shaacin waxa ay ka wada hadleen.

Qunsulka cusub Mr. Degnachew Yitbarek oo ay dowlada Itoobiya usoo magacawday xilkan ayaa beddelay Qunsulkii hore Mabratu Waldo Aragay kaas oo xilka ka tagey xiligii ay dagaaladu ka bilowdeen gobolka Tigreeyga ee dalkaasi Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *