Wasiir Jamaal: Hay’adaha Caalamka waa in la ogyahay meelaha ay lacagta mariyaan.

Published: January 24, 2021

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo ka qaybgalay shirkii MT/FT, ee ka hortagga lacagaha sida sharci darrada loo xalaaleeyo, iyo maalgelinta argagixisada ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay si dhaw ula shaqeysey hay’adda soo qabanqaabisey shirka ee Financial Reporting Center (FRC) shirka kaas oo qayb ka ah barnaamijka deyn cafinta.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in dalka deeq ahaan ay u soo gasho lacag gaareysa $2 bilyan oo dollar, waxaana dooneynaa sida loo adkeeyo lacaga Soomaalidu ay soo gelinayaan dalka, in tan hay’adahana loo adkeeyo.

Waxaan sanadkii hore ku heshiiney in hay’aduhu UN isticmaalaan Bangiga Soomaaliya, taasna xujo looga dhigo, waxaan hadda u ballansanhay sidii ay qorshahaas u fulin lahaayeen, hanti faro badan ayaa nidaamka dowladda ka maqnaanaya haddii kale ayuu yiri Jamaal.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa ka digey haddii aan la helin nidaam xal u ah badbaadinta Xawaaladaha, in ay adkaan doonto in ay sii shaqeeyaan, waxaana ugu muhimsan ayuu yiri in xal loo helo qofka ugu danbeeya ee lacagta loo soo diro ee qaadanaya, taas oo ah National ID Card.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *