Beyle: ” Waxa xaqiijinayaa in aysan jirin cid ay Dowladdu si gaar ah ugu xirtay keenista Qaadka “

Published: January 25, 2021

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday jaadkii laga keeni jirey Kenya, kaasoo ay dowlada Soomaaliya xayiraad kusoo kordhisay xiligii uu bilowday cudurka Coronavirus.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle Ducaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aankan lagu fasaxay qaadka Kenya, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay sifo sharci ah kula soo degaan jaadka oo ay shatiga canshuurta ka qaataan wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

” Waxa aan maanta saxaafadda iyo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay arinka Qaadka (Jaadka) oo cabashooyinkiisa aan ku dhex arkay Baraha-Bulshada, waxa aan Ummadda Soomaliyeed u xaqiijinayaa in aysan jirin cid ay Dowladdu si gaar ah ugu xirtay keenista Qaadka “.

Wasiir Beyle

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *