Boqor Burhaan Oo Ka Hadlay Fal Amni Darro Oo Ka Dhacay Qardho

Published: January 25, 2021

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa si kulul uga hadlay nin xalay lagu dilay magaalada Qardho.

Boqorka ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ehelka marxuumka, wuxuuna laamaha amaanka ka codsaday in cadaalada iyo sharciga la horkeeno cidii ka dambaysay falkaasi.

Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degmada Iskushuban ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada oo ay midoobaan, kana fogaadaan dhiigga dadka walaalaha ah ee macnadarada ku daadanaya.

Waxgaradka iyo Isimada ayuu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan daminta colaadan, hase yeeshee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqday inay shirweyne dhexdhexaadin ah 01/02/2021 ku qabanayso deegaanka Camaan ee degmada Iskushuban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *