Wararkii u danbeeyey ee dagaalka Beled Xaawo

Published: January 25, 2021

Habeenimadii xalay ayaa dagaal culus ka qarxay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga ee Jubaland ninka la yiraahdo Cabdirashiid Janan oo muddooyinkii danbe ciidamo badan ku haystey meel aan ka fogeyn Beled Xaawo.

Sida wararku sheegayaan isla habeenimadii xalay aya ciidamada uu watey Cabdirashiid Janan waxay galeen meelo kamid ah dhismayaasha Dowladda ee Beled Xaawo.

Dadka ayaa isla habeenkii xalay bilaabey in ay magaalada ka baxsadaan halka kuwo kale ay ku go’doomeen guryahooda.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamadii Cabdirashiid Janan watey ay ku harsan yihiin dhismayaasha qaybtood oo ay dusha uga baxeen qaar kamid ah guryaha dabaqyada ah ee magaalada halkaasna weli ka dagaalamayaan, laakiin ciidamada dowladdu ku hareererysan yihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid oo la hadley BBC ayaa sheegay in ciidanka uu wato Cabdirashiid Janan ay yihiin kuwii horey gobolka u joogi jirey ayna weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamo uu ku sheegay in diyaarado lagu keenay gobolka. Maxamuud Sayid guul ayuu ka sheegtay dagaalka, waxaana uu sheegay in ciidamadoodu haystaan sida guriga degmada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbad ayaa sheegay sida la filaayey in Beled Xaawo ay soo weerartey jamhad ay soo hubeysay dowladda Kenya, laakiin ciidamada Dowladdu cashar u dhigeen oo iska difaaceen.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo Axmed Bulle ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadii soo weeraray ay noqdeen kuwo la qabtey iyo kuwo baxsad ah, waxaana uu dadka ugu baaqey in ay is dejiyaan.

Sanadkii hore bishii Maarso ayey ahayd markii ciidamada Cabdirashiid Janan ee daacadda u ah Madaxweynaba Jubaland laga saarey Beled Xaawo.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyada oo muranka doorashada uu hareeyey xaaladda Jubaland, waxaana dadka ka faalooda arrimaha siyaasaddu ay sheegayaan in arrintaani caqaba dku noqon karto dooda Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee ku aadan in lagu wareejiyo maamulka Gobolka Gedo, inkasta oo Beesha caalamku aad ugu baaqeyso in laga fogaado rabshadaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *