Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Wakiilada Beesha Caalamka Kala Hadlay Khilaafka Doorashada

Published: January 27, 2021

Wakiilada Beesha caalamka ayaa kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ,iyagoo kala hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa ka wada hadlay muhiimaddu ay leedahay in xal laga gaaro khilaafka Doorashada si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Labada dhinac ayaa kulankooda sigaar ah diirada ugu saaray muhiimadda leeyahay iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalku ay xal ka gaaraan khilaafaadka la xiriira doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa dadaalo xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka, waxaana sidoo kalena dadaalada ka qeyb ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *