Jubbaland Oo Soo Dhoweysay Warbixintii IGAD

Published: January 28, 2021

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo dhoweeyey warbixintii guddiga IGAD ee xaqiiqo raadinta dacwadii dowlada federaalka Soomaaliya ka gudbisay dowlada Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay dood dheer iyo falaqayn kadib in goluhu soo dhowaynayo warbixintii IGAD, ayna la yaab ku noqotay dacwada dowlada federaalku ka gudbisay ay ku jirto aflagaado ka dhan madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

” Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqoraadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ahdhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS kagudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oocadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka “.

Jubbaland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *