Sharciga diiwaangelinta codbixyaasha ee Puntland

Published: January 30, 2021

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta loo gudbiyey Hindise Sharciyeedka diiwaangelinta codbixiyaasha ee Puntland, kaas oo la doonaayo in loo isticmaalo doorashooyinka la qorsheynaayo in ay Puntland ka dhacaan bartamaha sanadkan 2021.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiilada ee Kalfadhiga 47-aad oo ku qabsoomey xarunta Baarlamaanka waxaa u gudbiyay Xeerkan cusub Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana maanta loo qaybiyay Xildhibaannada si ay usoo akhriyaan.

Ilaa 10 Xisbi ayaa Puntland la guddoonsiiyey aqoonsi, kuwaasoo oo loo aqoonsadey in ay cabbiri karaan aragtidooda siyaasadeed. Sanadkan bartankiisa ayaa la qorsheynayaa in ilaa saddex degmo doorasho ka dhacdo, halka ay doorashada weyn ee lagu doonayo soo bixitaanka ilaa saddex Xisbi ay dhacayaan bilowga 2022.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *