Wakiilada Beesha Caalamka oo shir la qaatey Farmaajo

Published: January 30, 2021

Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ay gaareen qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminaayo James Swan ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto uu shirka ka maqan yahay, sababta ayaa lagu sheegay in safiirku madaxda Soomaalida ku qaabili karo oo keliya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo aaga Xalane, taasna ay keentey in uu ka haro.

Arrinta ugu weyn ee laga hadlaayo ayaa ah, sidii uu u furmi lahaa shirka Puntland iyo Jubaland ay ku baaqeen, looga hirgelin lahaa heshiiskii Sept 2020.

Doorashada in la qabto waa mid lagu khasban yahay, wakhtigeedi waa dhaaftey, saaxiibada Soomaaliya ee taageera waa diidan yihiin doorasho dhinac keliya qabto, ama in la sameeyo waddooyin kale oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya oo mucaaradku sameeyo, sidaas darteed ayaa lagu khasban yahay in shir la isugu yimaado, taas oo uu diidanaa Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaase muuqata in aysan furneyn waddo kale oo aan ka ahayn in la isu yimaado.

Arrimaha laga wada hadlaayo ayaa ah.

  1. Guddiga Doorashada sidii looga dhigi lahaa kuwo dhex-dhexaad ah loogana saari lahaa xubnaha qaarkood.
  2. Sidii Gobolka Gedo laga yeeli lahaa
  3. Guddiga doorashada Somaliland, inkasta oo qodobkan uu ku jirey habraacii doorashada ee Madaxdu isla ansixiyeen.

Waxaa hadda soo kordhey qodob kale oo ah 13 Xildhibaan ee Gobolka Banaadir la sheegay in ay Aqalka sare ku yeelanayaan.

Haddii caqabadahan laga gudbo waxaa lagu khasban yahay in jadwal cusub loo sameeyo Doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *