James Swan oo ka degay Kismaayo

Published: January 31, 2021

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya James Swan ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid, waxaana uu salaan sharaf ka qaatey ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka Kismaayo.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee uu ku kala bixinaayo Dowlad goboleedayada dalka.

Safarka ayaa la xiriira qorshaha sanadkan ee hormarinta arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya iyo dardargelinta arrimaha doorashada , sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Safarku waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo xiriirka Dowlad goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalku aad u xun yahay dagaal cuslusna uu ka dhacay gobolka Gedo kaas oo Jubaland sheegatey in ciidamdeedu fuliyeen halka DoIwladdu ku eeeysey jamhad Kiinya soo abaabushey.

Jubaland aya soo dhaweysey shirka Dhuusamareeb ee maalinta berri ah loo ballamey.

Beesha Calamka ayaa wada dedaal weyn sidii loogu heshiin lahaa fulinta heshiiskii 17 Sept 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *