Madaxweynaha Jubaland oo gaaray Dhuusamareeb

Published: February 2, 2021

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Dhuusamareeb oo lagu wado in maanta uu ka furmo shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

Shalay ayey magaalada gaareen wafuud kala duwan oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Raysalwasaaraha iyo hogaamiyayaasha Koonfur Galbeed & Hirshabelle.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu magaalada gaaro Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo maalinimadii shalay ayaa dib u dhacay, iyadoo wararka aanu ka helayno Galmudug ay sheegayaan in laga yaabo in furitaanka shirkaasi la qabto caawa marka ay soo gaaraan wafuuda la sugayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *