Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha

Published: February 4, 2021

Fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland   oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland   Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad  Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta maalintii 2aad looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Fadhiga maanta oo ay joogeen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland   qodob-qodob uga doodeen Xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, Wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Dawladda Puntland.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, Diidmo 2, Aamus 0 mudane.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *